Shirweynaha xibiga Barwaqo
Waxa kuliyada maaraynta addeega shacabka DDS ka qabsoomay kulan lagaga doodayay jaraa'idka Xisbiga Barwaaqo. Kulankan ayaa waxaa ka soo qaybgalay hoggaamin iskugu jirta heer deegaan, heer gobal, heer maamul-magaalo iyo heer degmo iyo Xubnaha Xisbiga Barwaaqo. Kulankan oo uu soo agaasimay Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Laantiisa Deegaanka Soomaalida ayaa u jeedkiisu ahaa sidii hoggaaminta Xisbiga Barwaaqo uga doodi lahaayeen waxyaabihii Xisbiga u Qabsoomay, Gol'daloolooyinka jira iyo sidii loo dhisi lahaa aragtiyaha Siyaaasadeed ee Xubnaha Xisbiga iyo in fahan buuxa laga siiyo hoggaaminta Geeddi-socodka Xisbiga Barwaaqo. Kulankan oo ay Hogaaminayeen Masuuliyiinta Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Laanta Deegaanka Soomalida oo ugu horeeyo Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Laanta Deegaanka Soomaalida Mudane Inj. Maxamed Shaale, Madaxa Arrimha siyaasada Mudane Maxamed Cumar iyo Madaxa Arrimaha Xisbiga Mudane Faysal Rashiid ayaa lagu soo bandhigay Geeddi-socodka Xisbiga Barwaaqo iyo waxyaabihii u Qabsoomay Xisbiga. Ugu danbayn Mudane Maxamed Cumar, Madax Arrimaha Siyaasada Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida oo gabo'gabadii kulanka la hadlay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in ujeedada kulanka uu yahay sidii looga doodi lahaa waxyaabihii Xisbiga u qabsoomay Mudooyinkii u dambeeyay.
Comments
Post a Comment
Show